Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay in Maanta laga Helay 9 Kiis Xanuunka Covid-19.

0
794

Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxey shaaca ka qaadday in maanta oo keliya waddanka laga helay 9 kiis oo cusub oo ah xanuunka COVID-19, taas oo muujineysa in bukaannada cudurka uu soo ridanayo ay kor usii kacayaan .

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in lix kamid ah dadka qaaday xanuunkan ee maanta la xaqiijiyay ay horay ula macaamileen bukaan horay looga helay Coronavirus, sidoo kale dadka laga helay xanuunka ayaa waxaa kamid ah saraakiil ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya sida lagu sheegay war saxaafadeedka, taas oo wadarta guud ee shaqaalaha wasaaradda xanuunka laga helay ka dhigeysa hadda 4 ruux.

Guud ahaan dadka xanuunka laga helay Soomaaliya ayaa waxey noqonayaan 21 ruux sida Wasaaradda Caafimaadka  ku xaqiijisay warkaan ay soo saartay .

Dowladda ayaa hadda wadda dadaallo xooggan oo la isku dayayo in lagu xakameeyo faafidda xanuunka COVID-19, iyadoo maanta masaajidda qaar laga joojiyay salaaddii Jimcaha, sidoo kalena la xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho, si loo xakameeyo in dadka aaney isku soo dhowaan.