Sheekooyin Cusub oo Xanuunka Covid-19 Kusoo Kordhay(akhriso).

0
484

Faafidda Xanuunka Covid-19 oo Caalamka Si Xawli ah ugu Socda ayaa Waxaa Lasoo Sheegayaa In Soomaalida Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Xabaalaha Lagu Aaso Dadka Dhinta iyo Agagaarkooda ay aad U hareeyeen Dharkii Loo Soo Xirey Dadka Dhintay oo aaney Cidina Xil Iska Saareyn.

Geedaha u Dhaw Xabaalaha iyo Xabaalaha waxaa Soo Buux Dhaafiyey dhar Cad Cad oo Dadka Dhintay Lagu Keenay,Dharkaas oo Wada fayraska Covid-19 kaas oo Xoolaha iyo Dadkuba Si Sahlan Ugu Gudbin Karaan Dad Ka Bad Qaba Xanuunka,waxaana Loo Baahan Yahey In La Qaado Talaaboyinkan.

  1. In La Gubo Dharkaas.
  2. In La Aaso Dharkaas.
  3. in aan Meydka Dharka iyo Karfanta Loo Kala Reebin.

Si Kastaba Xaaladdu Ha Noqotee Waxaa Haboon In Agabka Looga Qayb Galo Asska iyo Kuwa Maydka Lagu Soo Qaadaba In aan Bulshada Lagu Dhextuurin ee La Xafido Si Taxadar Leh.