Labadii Kiis ee Ugu Horeeyey Xanuunka Covid-19 oo Somaliland Laga Helay.

0
20

Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay qof kamid ah labada qof ee cudurka laga helay inuu u dhashay dalka China, halka mid labaadna uu yahay Soomaali ka yimid dalka Ingiriiska.

“Waxaa maanta idiin xaqiijinayaa in Somaliland laga helay labo kiis oo cudurka Coronavirus ah, kadib baaritaan lagu sameeyay labadaas qof oo kala ah nin Shiinees ah oo shaqaale ah iyo nin Somalilander ah oo haysta dhalashada Ingiriiska” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Wasiir Cumar, waxa uu sheegay, in dalka Kenya lagusoo sameeyay baaritaanka caafimaad ee laga qaaday labada qof ee cudurka laga helay, isagoo hadalkiisa ku daray in xaaladdooda ay haatan wanaagsan tahay.

“Waxaan amarnay in la raadiyo dhammaan dadkii ay labadaan qof xidhiidhka la sameeyeen,  si iyaga loo hubiyo caafimaadkooda,“ayuu hadalkiisa ku daray.

Labo maalin kahor ayay ahayd markii dowladda Jabuuti ay shaacisay in afar qof oo ka yimid Somaliland oo lagu qabtay degmada Lowyacadde laga helay cudurka Covid 19.