Guddoomiyaha Dalladda Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa Isaga oo Ku Hadlaya Afka Daladda Waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin Ku Aadan Bilashadda Bisha Ramadaan U Diray Dhamaan Muslimiinta Caalamka Gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed Meel Walba oo ay Ku Noolyihiin.
Guddoomiyaha Ayaa Umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah U Rajeeyey In ay Nabad iyo Barwaaqo Ku Soomaan,Camal iyo Cibaado Fiicanna La Yimaadaan Si alle Adduun Iyo Aakhiroba Noogu Naxariisto,Isagoo u Rajeeyey In ay Sanadkan Sanadkiisa Alle Ku Gaarsiiyo Caafimaad,Horumar iyo Nabad ay Naaloodaan.
Dhanka Kale Isbaheysiga Axzaabta Siyaasadda Ayaa Cabasho Ka Muujiyey Bandawaga Bisha Ramadaan ee Dawladdu Sheegtay in 7:00 Fiidnimo Laga Dhigay Halkii uu Markii Hore Ka Ahaa 8:00 Taas oo uu Gudoomiye Timajilic Sheegay In Wax Laga Bedelo oo aaney Macquul aheyn In Dadku Ku Afuraan Muddo Hal Saac Gudaheed ah Maqaayaduhuna aaney Gadan Karin Wixii ay Diyaariyeen Hal Saac.
Ugu Danbeyntiina Isbaheysigu Waxa uu Dawladda Ka Codsadeen In Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadaan Bandawga Laga Dhigo Lana Gaarsiiyo Illaa 10:00 Habeennimo Si Dadka Muslimiinta ah iyo Ganacsatada Cuntadu U Dhameystirtaan Afur iyo Suxuur Isku Jira,Loona Dhimriyo Dadka Duruufeysan ee Horeba Guryaha Ugu Xareysnaa ee Waayey Fursado ay Adeega Qoysaskooda U Raadiyaan.











