Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed xijaar ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyay bandoowga saaran magaalada Muqdisho, maadaama aay fooda nagusoo haayso bisha barakeeysan ee Ramadaan ayaa taliska Booliska Soomaaliya wuxuu sheegay is badaladan aay muhiim u yihiin kahortaga cudurka Covid19.
Taliyaha Booliska ayaa sheegay in bandoowgu uu bilaaban doono todobada fiidnimo, waxaa uu sheegay in markii hore uu ahaa sideeda fiidnimo islamarkaana halsaac lasoo hormariyay, taasina aay muhiim u tahay in lakala ilaaliyo shacabka.
“Bandoowga waxaan soo hormarinay hal saac waxaana uu bilaaban doonaa todobada fiidnimo, arinkaan waxaan uga dan-leenahay in aan dadka kala ilaalino, waxaaan kale oo amreeynaa inaan lafariisan karin goobaha lagu kulmo, sidoo kale maqaayadaha waay furnaanayaan oo waxaa laga qaadanayaa afurka laakiin cidna ma fariisan karto” ayuu yiri taliyaha Booliska Soomaaliya.
Taliyaha Booliska Cabdi Xasan ayaa hadalkiisa intaas ku daray “Waa in la’ogaadaa arinkan inuu yahay wax caafimaadkeena quseeya, waxaan gaadiiidleyda u jeedinayaa inaaysan qaadi karin dad badan, waxaan kale oo aan dhalinyarada kubada ciyaarta u sheegayaa inaay joojiyaan, Booliska xaafadaha waxaan u sheegayaa in waajib uu ka saaranyahay inaay dadka wacyi galiyaan”.
Bandoowgan oo todaadyo kahor lagusoo rogay dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa saameeyn ku yeeshay ganacsiga iyo iskusocodkii dadka iyo gaadiidka, balse laamaha amniga ayaa sheegay in bandoowgu uu kamid yahay kahortaga cudurka Covid19.
Dhanka Kale Iyadoo Bisha Ramadaan ee Barakeysan ay Billaabatey oo Maalinteedi Koowaad ay Jimcaha Tahey ayaa Dad Badan waxey Walaac Ka Muujinayaan In aaney Suura Gal aheyn In Maqaayaduhu Iibiyaan Cuntada ay Afurka u Diyaariyeen Dadkuna aysan Afurka Kusoo Gunaanadi Karin Hal Saac Gudihiis Maadama Xaafado Kala Fog Afurka Leysaga Yimaado,ayna Haboon Tahey In Xilliga Bandawga Laga Dhigo Illaa 10:00 Habeenimo Si Dadku Afurkooda iyo Suxuurtooda U diyaarsadaan.











