Dalka Spain oo Maalin Kaliya ay Gaartey Dhimashada Xanuunka Covid-19 In Ka Badan 932 Qof.

0
152
Dowladda Spain ayaa ku dhawaaqday 932 qof inay u geeriyoodeen fayruska Corona Jimaha maanta, iyadoo tirada guud ee dalkaa u geeriyooday fayruska ay gaareyso 11,000 oo ruux,taaso ka dhigeysa dalka ku yaal Jasiiradda Iberian Peninsula ee Yurub, waddanka labaad ee Yurub oo dadka ugu badan uu ku dilay Covid-19, ka dib dalka Talyaaniga.
Dunida oo dhan, tirada dhimashada coronavirus waxay kor u kacday 53,000 ,taariikhda kale ee naxdinta leh ayaa ah in kabadan hal milyan oo infekshan laga helay in la xaqiijiyay.
Mareykanka ayaa soo sheegay tirada dhimashada ugu badan ee maalin kasta dal kasta illaa iyo hadda ku dhawaad 1,200 ayaa ku dhimanaysa dalkaas. Haatan geeriida ayaa gaartay in kabadan 6,000 ,maadaama cudurka faafa uu si dhakhso ah ugu faafayo Marekanka.
In kabadan 1,013,000 oo qof ayaa laga helay fayraska adduunka, sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 210,000 oo qof ayaa ka soo kabsaday cudurka, oo ay ku jiraan 9,000 oo Mareykanka ah.