Daah Furka Barnaamijka Taakuleynta Danyarta oo M/weyne Farmaajo Ka Qayb Galey.

0
1071

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu daah-furay Barnaamij loogu magac daray Baxnaano, kaas loogu talagalay in lagu taakuleeyo qoysaska danyarta Soomaaliyeed , sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu  sii daayay xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia .

Mashruucan ayaa waxaa la filayaa iney wejigiisa koowaad ay ka faa’ideystaan qoysas Soomaaliyeed oo gaaraya 1.3 milyan oo ruux sida lagu sheegay  Warbixinta xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyadu ay sii daayeen.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagasoo xigtay inuu yiri “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara ” .

Barnaamijkan oo si gooniya ay gacanta ugu haayso Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxa uu Madaxweyne Farmaajo faray iney ku hagto waddo cadaalad ah , si guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay uga faa’ideystaan.

Daah-furka barnaamijkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay la dagaalameyso xanuunka COVID-19,  islamarkaana saameyn dhaqaale uu ku yeeshay qoysas badan , oo ay kamid yihiin danyar barakacayaal ah.