Barlamaanka K/galbeed oo Hal Sano Ugu Darey M/weyne C/casiis Lafta Gareen.

0
676

Waqtiga maamul ee Madaxawenaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen ayaa waxaa lagu kordiyay muddo sanad ah , iyadoo arrintaasi looga gol leeyahay is-waafajinta muddada xilka ee Madaxweynaha iyo kan baarlamanka Koofur galbeed oo is-weydaarsanaa .

Muddada oo horay u aheyd 4 sano, waxaa hadda ay noqoneysaa shan sano iyo dhowr bil, marka loo’eego muddo xileedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Baarlamanka Koofur galbeed waxaa soo xulo salaadiinta dhaqanka ee beelaha, kadibna waxey doortaan Madaxweynaha maamulkaasi. Laakiin waxaa Madaxweyne Lafta-gareen doortay baarlamankii hore, iyadoo mar kale dib loo soo xulay baarlamankaan, haddase waxaa muuqanaya in xildhibaannadan cusub iyo Madaxweynaha uu waqti qura xilka ka dhammaanayo.