Weerar Madaafiic Ah Oo Markale Lagu Qaaday Xerada Xalane.

0
599

Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee dowladaha caalamku ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya ayaa markale weerar kala kulantay xoogaga Al-Shabaab.

Maanta duhurkii ayaa dhowr madfac lagu weeraray Xalane oo ay kuyaallaan safaaradaha dowladaha reergalbeedka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicdii ku hoobanaysay gudaha xerada Xalane.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan

“Mujaahidiinta ayaa tira madaafiic ah ku weeraray xerada Xalane oo saliibiyiinta soo duulayaasha ah deganyihiin waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale ayay xoogaga Al Shabaab weerar madaafiic ah ugu qaadeen saldhigga Xalane wuxuuna weerarkaas sababay in shaqada laga eryo taliyihii booliska degmada Wadajir.