Rakaabka Ka Imanaya Yurub Iyo Waqooyiga America oo Laga Mamnuucay Somaliland.

0
517

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa soo saaray go;aan ah in aanay dalka iman Karin rakaab ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo ay la socon karaan dad qaba cudurkan Covid19.

Guddidan ayaa ku amray diyaaradaha imanaya in aanay soo qaadin dadkaasi ka imanaya Yurub iyo waqooyiga Maraykan, waxaanay soo saareen labadan qodob.

1. In laga bilaabo maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 30 march,2020 aanay dalka usoo safri Karin rakaabka ka imanaya dhamaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.

2. Dhamaan diyaaradaha Somaliland yimaada waxa lagu wargalinayaa in aanay rakaab ku soo socda somaliland aanay ka soo qaadi Karin dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka.

Dhinac kale, in ka badan sideetan arday oo wax ka baran jirtay dalka Itoobiya ayaa loo soo kireeyey Basaas waaweyn kuwaas oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Illaa shalay xadka Somaliland ee la wadaagto Itoobiya wuu xidhnaa waxaana xidhay Itoobiya waxaaana rakaab badan dib looga soo celiyey magaalo qaran oo u dhexeysa Wajaale iyo Jigjiga, waxa kaliya ee Itoobiya ka imanaya waa Jaadkii oo aan wali go;aan laga gaadhin.