R/W Khayre Oo Xariga Ka Jaray Garoon Diyaaradeed Laga Furay Baraawe.

0
745

Magaalada Baraawe ayaa waxaa maanta laga furay garoon diyaaradeed oo cusub kaasoo in muddo ah laga dhisayey magaalada.

Furitaanka garoonka ayaa waxaa ka qeyb-galay oo xariga ka jaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana wehliyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.