Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sanad iyo bil ka dib markii ugu horaysay dib ugu soo laabta Magaalada garoowe ee caasimadda Puntland.
Gaas ayaa ka qayb-galaya shirka wada-tashigga Puntland ee Madaxweyne Deni ku dhawaaqay.
Mudane Gaas waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Shacab.
Intaas ka dib waxa uu u gudbay Aqalka Madaxtooyadda oo uu isagana kusoo dhaweeyay Madaxeynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.











