Diyaarad Laga Leeyahey Dalka Jabuuti oo Beryahan Joog Hoose U Dul Heehaabeysa G/sool.

0
11

Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah  iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka ay diwaangashan tahay.

Diyaaradan ayaa magaceedu yahay Beech 350 Super King Air, Flight Radarkeedu ma sheegayo meesha ay ka timid iyo meesha ay ku socoto iyo wadanka ay ka diwaangashan tahayba.

Maanta oo sabti ah abaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo ayey joog hoose ku dul maraysay goboladan bariga, taas oo aan wali la garan ujeedadeedda.

Illaa hadda kama hadal xukuumadda Somaliland.