Cali Guudlaawe Oo Wasiirada Hir-Shabelle Kala Hadlay Fulinta Howlgalo Ka Dhan Ah Al-Shabaab.

0
364

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kulan uu shir gudoomiyay oo ay yeesheen Wasiirada Maamulkaas waxa uu kala hadlay fulinta howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa warbixino laga dhegaystay Wasiirada, iyada la weydiiyay heerka Amni ee degaanada Hir-Shabeelle, waxaana xog-wareysi kadib shirka lagu go’aamiyay qaadista howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wasiirada Hir-Shabeelle ayaa soo jeediyay in sare loo qaado howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa MIdowga Afrika ay ka wadaan degaanada Maamulkaas, iyo sidii mas’uuliyad la isaga saari lahaa isu gudubka degmooyinka.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa daba-socday walwalka laga qabo isu gudubka Degmooyinka ugu muhiimsan Hir-Shabeelle oo intooda badan istaagay, kadib markii ay kordheen weerarada jid-galka ah ee Al-Shabaab.