Afar Qof Ka Yimid Hargeysa oo Jabuuti Shaacisay In Laga Helay Xanuunka Covid-19.

0
391

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala.

Xoghayaha caafimaadka Jabuuti, Dr. Saalax Benoyta, ayaa sheegay in dadkaasi laga helay cudurka Coronavirus ay doonayeen inay Jubuuti ku galaan safar lug ah kadib markii la mamnuucay socdaalkii dhinaca hawada.

Warar kale waxay sheegayaan in dadkaasi markoodii hore ay ka yimaadeen meelo ka baxsan Somaliland, balse markii la xiray hawada Jabuuti ay socdaalkooda usoo wareejiyeen dhinaca Hargeysa, iyagoo kadibna safar lug ugusoo ambo baxay Jabuuti.

Somaliland, arintaan weli kama aysna hadlin, waxayse tani keenaysaa walaac horleh oo ku saabsan fiditaanka cudurka, maadaama aan cudurka horey loogasoo sheegin Somaliland.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka waxay hadda maraysaa 18 qof.