Madaxweynaha Hir-shabeele Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay.

0
187

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wareegto ka soo baxday xafiiska waxa uu xil ka qaadis iyo magacaabis kuwa cusub ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Wasiirada xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Waxbarashada,biyaha iyo dhalinyarada.

Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu magacaabay wasiiro cusub waxaana loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur, halka wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga loo magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdalle Cali, wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Abuukar Xuseen.

Sidoo kale waxaa wasiirka biyaha iyo tamarta loo magacaabay Saalax Maxamed Xasan,wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka ayaa loo magacaabay xildhibaan cabdinaafac Macalin Rashiid.