Wasiir Maareeye oo Qiray In M/weyne Farmaajo Mudanyahey Booqashada Hargeysa.

0
167

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdixayir Maareeye ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo inaanu jirin cid maanta uga mudan in lagusoo dhoweeyo magaalada Hargeysa.

Inkasta oo wasiirku sheegay in aanu waxba kala socon wararka ku saabsan safarka Farmaajo ee Hargeysa, balse wuxuu si cad u sheegay in Somaliland iyadu u baahan tahay in madaxweyne Farmaajo uu yimaado dhulkooda.

“Haddii maanta qof madax ah lagusoo dhoweynayo Hargeysa, qofkii ugu munaasabsanaa ee ay wax kaga xirnaayeen weeye madaxweyne Farmaajo,” ayuu yidhi wasiirka maareeye.

Wasiir Xayir ayaa tilmaamay in la joogo xilligii 28 sano kadib laga doodi lahaa in Somaliland kusii jirto sida ay tahay hadda ama in dadkeedu tashadaan oo ay ka baxaan culays uu sheegay inay ku jiraan.

“28 sano, Somaliland waxay lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfashyada looga taliyo, madaxdeeduna waxay cabsi ka qabaan inay shacabka kala hadlaan mustaqbalkooda,” ayuu yidhi.

Wuxuu ugu baaqay madaxda Somaliland inay qaataan masuuliyadda dadkooda imaanaya Muqdisho iyagoo raadinaya Passport, Shahaado, shati ganacsi iyo Fiiso. Waxaana uu ku taliyay in aanan xaqiiqda la dafirin oo la furo dood furan oo ummadda Somaliland mustaqbalkooda looga tashanayo.