Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku-soo Dhiibay Dowlada Federaalka.

0
336

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku suggan Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa warbaahinta u soo bandhigay xubin ka tirsanaa Ururka Alshabaab kaas oo sheegay in isaggu uu dawlada lasoo xiriiray isuna soo dhiibay.

Colaad Cabdiraxmaan Xirow oo ah sarkaalka la soo bandhigay ayaa muddo 11 sano ah kamid ahaa dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu sheegay inuu ahaa darawal uuna la soo xiriiray saraakiisha ciidamada dowlada sidaasna uu ku yimid magaalada Xudur.

Ibraahim Isaaq Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa sheegay in dawlada ay waddo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameyn doono sarkaalkaan ka soo goostay Ururka Al-Shabaab.