Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Maamulihii Shirkadda Hormuud Ee Jilib.

0
940

Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ayaa lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta kale ee shirkaddaas.

Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilligaas ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday.

Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lama oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad.

Dhinaca kale war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu sheegay in weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Jilib ay iska gaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya.

Hase ahaatee mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Hormuud waxay ka mid tahay shirkaaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn Soomaaliya..

Tan iyo markii uu maamulka madaxweyne Donald Trump la wareegay Aqalka Cad ee Mareykanka, waxaa la xoojiyay duqeymihii Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna xukuumadda Washington sheegtay inay meelo badan ku bartilmaameedsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay Arbacadii lasoo dhaafay soo saartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isla maalintaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 19,February, 2020-ka ay Soomaaliya gudaheeda ka dhacday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa sheegtay in howlgalkaas oo laga fuliyay magaalada Wadajir uu ahaa mid ay iska kaashadeen Milatariga Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo bartilmaameedkana ku sheegtay inuu ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in duqeyntaas lagu dilay saddex xubnood oo Al-Shabaab ah, wax khasaare ahna uusan kasoo gaarin dad rayid ah.

Galinkii hore ee maalintaas, xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ka fuliyay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaarna weeraro khasaare badan ka fuliya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.