Duqayn Mar Kale Ka Dhacday Meel U Dhaw Dujuuma.

0
535

Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa cirka ka duqeeyey fariisimo ururka Al-shabaab ku leeyahay meel u dhaw magaalada Dujuuma ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in weerarkan oo iska kaashadeen dowladda Federaalka lagu dhaawacay saddex Sarkaal oo ka tirsan alshabaab, islamarkaana lagu burburiyay xarun Alshabaab ku leeyihiin Dujuuma

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inaysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay, sidoo kalena ay qaadayaan tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa.

US AFRICOM

@USAfricaCommand

Federal Government of Somalia, AFRICOM target al-Shabaab – http://go.usa.gov/xdma4 

View image on Twitter
51 people are talking about this

Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

Duqayntan ayaa tii labaad oo Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen fariisimaha iyo goobaha ay fadhiyaan ururka Alshabaab iyadoo duqayntii tan ka horraysay uu maraykanku sheegay inay ku dileen labo ka tirsan ururka alshabaab sidoo kalena ay dhaawacyo gaarsiiyeen xubno kale.