Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Buur Eyle oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa iney muddo kooban la wareegeen deegaanka Buur Eyle, oo ay markii danbe isaga bexeen.
Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabatay deegaanka oo ka mid ah kuwa ay kooxdu ku xooggan tahay.
Hal askari ayaa lagu soo warramayaa inuu ku nafwaayay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac.
Lama oga khasaaraha ka soo gaaray weerarka dowlada ay ku qaadeen dhinaca Dagaalyahanada Al-Shabaab.
![]()






