Carwadii Ugu Horeysay oo Soomaaliya Lagu Qabtey Iyo Sida Loo Arko.

0
490
Soomaaliya ayaa markii uu horeysay lagu qabtay bandhiga carwada gaadiidka, si loo dhiirri galiyo shirkaddaha ku howlan ganacsiga gaadiidka.

Maxamed Cabdi Duraan oo ah agaasimaha shirkadda soo qaban qaabisay bandhigaan ayaa sheegay in bandhigaan uu ahaandoono mid qaran oo sanad kasta la qabandoono.

Wuxuu sheegay Bandhigaan in uu qeyb ka qaadandoono in uu dhiirri galin u noqdo shirkaddaha dalka ku sameeya qalabka gaadiidka, kuwaas oo helidoona suuq ay kusoo bandhigaan wax soosaarkooda ganacsi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir,  Ibraahim Mahad alle ayaa bandhigaan ku tilmaamay isbedel weyn oo kusoo saa’iday Soomaaliya, uuna aamisan yahay in uu ka qeyb ka qaadanayo horumarka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Oomar ayaa sheegay marnaba inaan la filayn in Soomaaliya lagu qabto bandhig nuucaan oo kale ah.

Wasiirku wuxuu ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgalisay in waddanka la keeno gaadiid cusub oo aan horey loo isticmaalin, taasoo uu sheegay inay muujinayso bisaylka ganacsatada Soomaliyeed oo aaminay dalkooda.