Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.
Golaha Dhawaan guddi ka tirsan Golaha Aqalka sare u saaray shircigan doorashooyinka Qaranka oo ay dhawaan meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.
Guddiggan uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka sare ayeey shaqadoodu tahay oo kaliya isku daba-ridka aragtiyada xildhibaannada Golaha.
Inkastoo sharcigan ay horay u meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana dhinaca kale waxaa wali ka taaggan meelaha qaar dood ku saabsan qoddobada ku qoran, gaar ahaan marka la eego suurta-galinimada in dalka ay ka dhici karto doorasho qof cod ah.











