Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab.
Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo U hadlay Guutada DANAB ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka oo laga fuliyay degmada Wanlaweyn shaqsiga ka hor inta aan la toogan uu la dagaamay sida uu hadalka u dhigay ciidamadii howlgalka ku jiray.
Qofka la dilay ayuu magaciisa ku sheegay Maxamed Cismaan Xusseen Buluush oo ay ku eedeeyeen in uu Al-shabaab uga madax ahaa Howlgalada Qaraxyada.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda ee Sooamaaliya.
Dhawaan ayeey aheyd howlgal ciidamada dowladda ay sidoo kale ka sameeyeen deegaanka Tooratooroow lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya,Taas oo Iyadana aan Dhanka Al-shabaab Wax War ahi Kasoo Bixin.











