Kooxda Al-shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku dishay saddex nin oo ay sheegeen in lagu helay in ay la shaqeynayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.
Ninka kowaad Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sana jir ah, oo kamid ahaa dadka Al-shabaab dishay ayay ku sheegeen inuu kmid ahaa ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku ku tababaray Balidoogle, waxaaana lagusoo qabtay wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.Ninka labaad waxay Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Xuseen Max’med Cabdi Arsal. Waa 20 sana jir ay sheegeen inuu katirsanaa ciidamada daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala Baar Sanguuni. waxaana lagu qabtay Jubbada Hoose.
Ninka saddexaad, waxaa lagu magacaabaa Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah, Al-shabaab waxay sheegtay inuu la shaqeynayay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose.











