Qaar Kamid ah Xisbiyada Siyaasadda Iyo Hay’ada Marqaati oo Dood Ka Yeeshay Musuqa Soomaaliya.

0
1509

Kulan ay Soo Qaban Qaabisay Hay’adda Marqaati ayna Ka Qayb Galeen Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Laguna Falanqeynayey Heerka Musuq Maasuqa Soomaaliya uu Marayo iyo Sidii Looga Hor Tagi Lahaa Ayaa Muqdisho Lagu Qabtey Iyadoo Dhinacyo Badan Laga Eegayo.

Hay’adda Marqaati oo ah Hay’ad Wadani ah ayaa Markasta Qabata Dood Cilmiyeedyo iyo Wacyi Gelin La Xiriirta Ka Hor tagga iyo Cirib Tirka Musuq Maasuqa,iyadoo Inta Badan Axzaabta Dalka Heshiis Kula Gashey Isla Xisaabtan iyo Ka Fogaanshaha Musuqa iyo Wax Isdaba Marinta,Waxeyna Madaxdii Xisbiyada Kulanka Ka Qeyb Galey Caddeeyeen In ay Hay’adda Ku Garab Taagan Yihiin Hawsha ay Hayso Kuna Bogaadinayaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Soo Bandhigay Heshiis iyo Shahaado Hay’addu Bixisay Afar Sano Kahor Isagoo Sheegay In ay Marqaati Garab Taaganyihiin Xafiisyada Xisbiguna U Furanyihiin ayna Diyaar u Yihiin Isla Xisaabtan,Musuq La Dirir iyo Daah Furnaan,Sidoo Kalena Ugu Baaqey Xafiiska Xeer Illaalinta iyo Hanti Dhawraha Qaranka in ay Hay’adan Ka Faa’iideystaan,Lana Wadaagaan Macluumaad iyo Cilmi Baaris ay Hayaan Maadaama Buu Yiri ay Hay’adani Tahey Hay’ad Wadani ah oo Bulshada Dareenkeeda Ka Abuurantey.

Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadley Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyada Sida Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliyeed Yuusuf Cismaan Shinbir,Gudoomiyaha Xisbiga U Hiili Dadkaaga Maxamed Bille Muuse,Gudoomiyaha Xisbiga SNU Cali Cumar Abati,Culumaa’u Diin,iyo Gudoomiyaha Hay’adda Marqaati Caydaruus iyo Masuuliyiin Kale oo Dhamaantood Tilmaamey In Musuq Maasuqu uu Dadkeena iyo Dalkeena Si Baahsan Ugu Dhex Jiro Meelo Kala Duwanna Ka Galay Sida Shaqada,Lacagaha La Kala Qaato,Xilliyada Doorashooyinka,Adeegyada Bulshada,Marista Waddooyinka iyo Meelo Kale uu Musuq Maasuqu Ku Jiro Iyadoo Dadka Soomaaliyeed Culimada Diinta Loogu Baaqey In Dhaibaatadaas Si Wada Jir ah Looga Hor Tago,Lana Joojiyo Meel Kasta oo Lagu arkana Bulshada Lala Wadaago.

Ugu Danbeyntiina Kulanka Ayaa Kusoo Dhamaadey Jawi Nabdoon iyo Is Afgarad Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah Lagu Khatimay.

.