Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 7 Xubnood ah u xil saaray inay kasoo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka.
Sharcigaan ayaa dhowaan waxaa meel mariyay golaha Shacabka, kadib markii lagu sameeyay dib u eegis, waana sharciga la doonayo in lagu maamulo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.
Sida ku xusan qoraalka, guddigaan waxay si qoto dheer uga baarandagi doonaan hindise sharciyeedka doorashooyinka, iyagoo ka eegaya inuu waafaqsan yahay dastuurka kmg ah ee Soomaaliya.
Guddigaan oo ah guddi kumeel gaar ah ayaa shaqayndoona inta ay barlamaanka aqalka sare ugasoo gudbinayaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sharciga doorashooyinka.
Sharciga cusub ee Soomaalia ayaa loogu talo galay;
1. In lagu maamulo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;













