Maandooriyahaan ayaa lagu sheegay midkii ugu badnaa abid ee lagu qabto Puntland, waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dad muwaadiniin ah oo bixiyay xogta Qamrigaan.Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, G/dhexe, Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in booliisku ku raad joogo 16 qof oo ku lug leh maandooriyahaan.
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in dhawaan lasoo saarayo bayaan caddeynaya in la toogto cid kasta oo maandooriye soo galisa Puntland iska caabinna kala horta ciiddanka amniga.
Maandooriyaha Qamriga ayaa Puntland lagasoo galiyay dhinaca Ethiopia, hase yeeshee waxaa lagu guulaystay in lagu qabto baraha kantaroolada gobolka Nugaal.Wasiirka cadaalada Puntand Cawil Sheikh Xaamid, ayaa sheegay in ay qaadidoonaan dagaal naxariis la’aan ah oo ka dhan ah maandooriyaha, isagoo sheegay in madaxweynuhu magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeynaya la dagaalanka daroogada.











