M/weyne Ku Xigeenka Puntland oo Taliye Ciidan Boolis U Magacaabey Gobolka Cayn.

0
228
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Axmed cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay taliska ciiddanka booliiska gobolka Cayn ee magaalo madaxdiisu ay tahay  Buuhoodle.
Waxaa xilkaan loo magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre oo horey uga tirsanaa saraakiisa ciidanka Puntland.Puntland waxay xilkaan ka qaaday G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu), oo dhawaan lagu xiray magaalada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido.Dhawaan, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale taliye ciiddan booliis u magacaabay gobolka Sool, waxaana loo magacaabay  xilkaas G/Sare. Cismaan Yuusuf MuuseGobolka Sool badi waxaa maamula oo uu gacanta ugu jiraa maamulka Somaliland. Oo muddo ku dhow 15 sano kahor kala wareegay Puntland.

Halkaan hoose ka aqriso warqada magacaabidda