Galmudug oo La Bilabey Xulida Xubnaha Barlamaanka Maamulkaas.

0
624

Guddiga farsamada Doorashada Galmudug ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay waxaa ay ku sheegeen in ay si rasmi ah u guda-galeen soo xulista xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub kaddib markii la xaliyay sida ay hadalka u dhiggeen dhamaanba caqabaadkii jiray.

Guddoomiyaha Guddiga oo warbaahinta kula hadlay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in dhamaanba la xaliyay caqabaadkii ka jira dhismaha Galmudug gaar ahaan soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana uu intaa ku daray in meesha ka baxay wixii khilaaf ah ee jiray ee u dhaxeeyay Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga :-