Diyaarad Drone Ah Oo Ku Dhacday Tooratooroow, Al-Shabaabna Gacanta Ku Dhigeen.

0
321

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Mareykanka leedahay ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad Drone ah nuuca dagaalka ee wax duubta ay kusoo dhacday degmada Tooratooroow ee gobolka Sh/Hoose waxaana diyaaradda gacanta ku dhigay ciidamada shabaabka ah ee maamula dedegmadaas
Dad ku sugan Tooratooroow ayaa wwarbaahintau sheegay in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaaradda iyo qalabkii ku xirnaa ayna ula dhaqaaqeen goobaha  ay maamulaan .
Diyaaraddan ayaa la rumeysanyahay in ay qeyb ka aheyd diyaaradaha dagaalka ee Ka tirsanaa weerar ay isbuucii lasoo dhaafay Tooratooroow ku tageen ciidamo Mareykan iyo kuwa  Bangaraafta waxaana dusha sare ka taageerayay diyaarado Drone ah oo kasoo duulay garoonka Balidoogle.