Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Al-shabaab Oo Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho.

0
687

Waxaa saaka lagu waddaa in magaalada Muqdsiho uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo Ururka Alshabaab kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, Banaan-baxaan ayaa ah mid looga soo horjeedo weerarada iyo qaraxyadda ururka Alshabaab ay ka gaysanayaan Magaalada Muqdsiho.

Dadka ka qayb-qaadanayaan banaan-baxaan oo laga soo ururiyay degmooyinka Gobolka Banaadir, dadkaan ayaa la isugu keenayaa kuliyadda tababarada ciidamada ee Generaal Kaahiye, Ciidamada Dawlada ayaana si adag u adkeeyay Amnigga wadooyinka Magaalada iyo Goobaha ay marayaan dadka banaanbaxaya.