Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Wadada Afgooye Oo Loo Qaaday Turkiga.

0
667

9 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii lala beegsaday wadada afgooye iyo muqdisho oo 3 ka mid ah ay yihiin ingineero u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta loo qaaday Magaalada Ankara si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Dawlada Turkigga ayaa magaalada Muqdisho saaka usoo dirtay diyaar kuwa gurmadka degdega ah, waxaa la saari doona dhaawacyadaas ka kooban 9ka qof oo sidoo kale uu qayb ka yahay taliye ku xigeenka ciidamada Haramcad iyo dad kale oo shacab ah.

Shirkada gacanta ku haysa dhismaha wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa walaac ka muujisay xaalada amni ee wadada, waxayna bilawday in ay hlkaas qalabkeeda kala baxdo, Balse madaxda shirkadaas ayaa waxaa shalay la kulmay Raysal-wasaaraha DFS mudane Xasan Cali Khayre waxa uuna u balan-qaaday in dawladu ay xil iska saarayso ilaalinta amaankooda.