Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.
Ciidamada oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisal Wasaaraha uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.
Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo la-dagaalanka Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya la-dagaalanka Al-shabaab ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidamada.
Ciidamo horey loogu tababaray xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo Al-shabaab.











