Barlamaanka Cusub ee Galmudug oo Odayaasha Dhaqanku Bilaabeen Soo Xulistooda.

0
959

Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusa-Mareeb.

Gudoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay Odayaasha in ay ku soo xulaan xildhibaanadda aqoontooda, isagoo  intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa  soo xulista xildhibaanno Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlu Sunna oo soo gudbisay xildhibaannadeeda waxaa  odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo  ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.