Diyaarad Ay Leedahay Shirkada Ukrain Airline Oo Ku Burburtay Garoonka Tehran.

0
530

Diyaaradda Ukrain Airlines ayaa saaka ku burburtay hawada dalka Iiraan wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Imam al-khumeyni magaalada Tehraan dalka IRAN .

Diyaaraddan ayaa sida lagu waramay waxay siday 200 oo qof oo rakaab ah iyo shaqaalihii waday, iyadoo nooceedu ahaa Boeing 737. Mid kamid ah Matoorada Diyaaradda waxaa qabsadey dab taas oo sababtey in ay si deg-deg ah dhulka ugu soo dhacdo.