Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed Khadar, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya inay ku kalsoon tahay sharciga doorashada ee horyaala barlamanka aqalka hoose.
Sharcigaas oo ay golaha wasiiraddu meel mariyeen ayuu sheegay in uu yahay kan lagu hoggaamindoono doorashada soo socota ee la qabandoono marka la gaadho 2020/2021.
“Madaxweynaheeda Farmaajo wuxuu nagu hagidoonaa in dalkaan ay ka qabsoomto doorasho hal qof-hal cod ah oo ay ku tartamidoonaan axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu yidhi mr Guuleed.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka qaran oo sharciga doorashada bishii november u gudbiyay barlamaanka, ayaa ku taliyay in la qaato nidaamka aqlibiyada, oo ay sheegeen inuu yahay nidaam si fudud loo fahmi karo oo adkaynaya matalaada deegaanka.
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa qaadacay sharcigaan loo gudbiyay barlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan qeyb ka ahaandoonin sharci aan laga qeyb galin taladiisa.





