Xds ee Ismaamulka Soomaalida oo Maanta Isku Raacey Ku Biiritaanka Xisbiga EPP.

0
444

Shirwaynihii XDS uga socday magaalada Jigjiga ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, iyadoo xubnihii xisbiga ee shirka kasoo qayb galay ay cod buuxa ku ansixiyeen kamid noqoshada xisbiga EPP.

Haddaba Shirka maanta ay yeesheen xubnaha XDS ayaa ahaa mid xilligiisii laga soo hormariyay sababo aan la shaacin iyadoo ballantu ahayd maalinta Axadda ah ee barito balse maanta laga dhigay.

Axsaabta ilaa hadda ku biirtay xisbiga EPP ayaa ah 7 xisbi, isagoo XDS uu ku noqonayo xisbigii 8aad ee si buuxda ugu biira xisbiga lawada leeyahay ee EPP.