Wasaarradda Cadaallada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arin hadal heynteedu ku badneyd saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta oo la xiriirta sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo Maxbuus Bukaan ah oo xoog uga saaray Isbitaalkii uu ku jiray kaddibna geeriyooday.
Wasiirka Wasaarradda Cadaallada Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xusseen Xaaji ayaa sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay sarkaalkii falkaasi ku kacay, dhinaca kalana guddi loo saaray sida uu hadalka u dhigay baaritaanka la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay sarkaalka shaqada laga joojiyay.
Laakiin sarkaalka eedeynta loo jeediyay oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Xirsiile oo iska difaacay in uu falkaasi ku kacay ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah isku laheyn geerida Bukaanka iyo Isbitaalka laga soo wareejiyay, isaga oo intaa ku daray in uu hayo cadeymo ay ka qoreen sababta uu u geeriyooday bukaanka Dhakhaatiirta Isbitaalka uu ku geeriyooday.

Ehelada marxuumka dhintay ee markiisii hore ahaa maxbuuska ayaa sheegay in dowladda ka dalbanayaan cadaalad iyo in sharciga la horkeeno Jeneraal Xirsiile oo sabab u ahaa ayeey sheegeen in uu geeriyoodo Bukaanka.










