Qarax Qasaaro Badan Geestay Oo Saakay Ka Dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye.

0
53

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho waxa ay sheegayaan in Saaka uu Qarax khasaare gaystay uu ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye.

Gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka. Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo weyn gaarsiiyay dad shacab ah oo isticmaalayay waddada maadaama xiliga qaraxu dhacay ahayd waqti mashquul badan uu ka jiray wadadada oo dadku shaqooyinka aadayeen,ardayduna goobaha waxbarasho usocdeen.

Qaraxa ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, baabuurta gargaarka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay.