Xaflada Shirweynaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Oo Ka Dhacday Magaalada Muqdisho.(SAWIRO)

0
1603

Munaasabad Si Weyn Loo Soo Agaasimay Islamarkaana Ay Ka Soo Qeyb Galeen Madaxda Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed,Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiyada Siyaasada Dalka,Madax Ka Socotay Ururada Bulshada Rayidka,Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka,Garabyada Haweynka,Dhalinyaro Iyo Waliba Marti Sharaf Kaloo Ka Kala Timid Dalka Dibadiisa Ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadani Oo Lagu Soo Xirayay Gaban Gabada Shirweynaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Kana Mid Ah Xisbiyada Siyaasada Sida Sharciga Ah Ugu Diiwaan Gashan Dalka Maalmahan Dambana Shirkoodu Uga Socday Gudaha Dalka Iyo Dibada.

Ugu Horeyn Ayaa Waxaa Munaasabada Ka Hadlay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Axzaabta Siyaasada Dalka Iyagoo Ku Dheeraaday In Loo Baahanyahay Doorasho Qof Iyo Cod Ah Inay Ka Dhacdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Ex-Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfala Oo Ah Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimo Qaran Ayaa Hambalyo Iyo Boogaadin Ka Jeediyay Goobta Isagoona Sheegay In Dadaal Dheer Iyo Mid Gaabanba Ay Ugu Jiraan Isaga iyo Masuuliyiinta Xisbigiisa In Dalka Uu Ka Qabsoomo Doorasho Qof Iyo Cod Ah Islamarkaana Ay Rajeynayaan.

Sidoo Kale Mudane Cali Maxamed Nuux (Tima jilic) Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Siyaasada iyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka Ayaa isna Dhankiisa Munaasabada Hadal Kooban Ka Jeediyay Wuxuuna Carabka Ku Dhuftay In Tirada Xisbiyada Diiwaan Gashan Ay Marayaan 71-Xisbi Islamarkaana Loo Baahanyahay In Xisbiyadaasi Ay  Midoowaan Awoodoodana Isu Geeyaan Si Ay U Gaari Lahaayeen Yoolkooda.

Shirweynaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Oo Maalmahan Dambo Ka Socday Gudaha Dalka Iyo Dibada Ayaa Ugu Dambeyn Waxa Ay Soo Saareen War Saxaafadeed Ka Kooban Dhowr Qodob Waxaana Warbaahinta U Aqriyey.

Gaba Gabada Munaasabada Soo Xerida Shirweynaha Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed Ayaa Waxaa Soo Xeray Gudoomiyaha Xisbiga Maxmuud Maxamed Maxmuud Waxa Uuna Ku Dheeraaday Ahmiyada Xisbigaani Ay U Leedahay Bulshada Soomaaliyeed Iyo Waliba Hiigsiga Iyo Himilada Ay Ka Leeyihiin Hogaaminta Dalka,Waxayna Munaasabadani Ku Soo Dhamaatay Jawi Heer Sare Ah.