Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo dayn cafinta Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaraddaha maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS.
Jubbaland iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii madaxweynaha Jubbaland oo aysan weli dowladda federalku aqoonsayn natiijadeedii.
Magaalada Muqdisho waxaa weli ku xiran wasiirkii amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kaasoo u xiran dowladda federalka Soomaaliya.










