Hawada Sare ee Magaada B/weyne oo Ayax Farabadan Isku Gadaamey.

0
1006

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba hadal heynta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya aheyd Ayax raxan raxan u socda oo ku dagay qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka, ayaa galabta lagu arkay hawadda sare ee magaalada Beledweyne kumannaan Ayax ah oo qalqal abuuray.

Ayaxan ayaa ah mid raxan raxan iskula socda kuwaa oo marnaba ku duuliya joog sare marnaba ku soo dhawaanaya safka kore ee guryaha, taasoo dad badan shaki ay cabsi ku abuurtay.

Meelaha qaar magaalada ayaa laga maqlay rasaas culus oo la sheegay in lagu ridayay Ayaxa si loo argagax galiyo

Qaar ka mid ah deegaannada gobollada dhexe gaar ahaan magalada Cadaado ayaa maalmihii ugu danbeeyayba la hadal hayay in laga bilaabay cunista Ayax kaddib markii magaalada iyo deegaannada ku harreereysan uu siweyn ugu batay Ayaxu.

Lama oga halka uu ka soo duulayo Ayaxan iyo sababta uu markan ugu dul marreeysanayo magaalooyinka waaweyn iyadoo markii hore la ogaa in uu ku deggo dhul beerreedka oo kaliya iyo meelaha keynta ah.