Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho (SAWIRO)

0
1059

C/rasaaq C/llaahi Waabari Oo Ah gudoomiyaha Xisbiga MIDNIMO QARAN Ayaa Maanta Waxa Uu Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Waxaana Garoonka ku Soo Dhaweeyay Xisbiyada Siyassada Dalka Ka Diiwaan gashay.

Soo Dhaweyntani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Xisbiyada oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga Midnimo Qaran Ibraahim Saalax Deyfullaah.

Sidoo kale waxaa munaasabaddani ka soo qeyb galay Cali Tima Jilic Oo Ah Gudoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Ahna Isku Xiraha Gudiga Doorashooyinka Iyo Axzaabta Dalka,iyo Garabyadii Haweenka Iyo Dhalinyarada Xisbiyada.

Ugu horeen waxaa Halkaasi ka hadlay Ex Xildhubaan Deyfullah Oo ah Gudoomiye ku xigeenka X.Midnimo Qaran Waxa uunu si kal iyo Laab ah u soo Dhaweeyay Habka maamuuska leh oo ay xisbiyada usoo dhaweeyeen Gudoomiuaha MQ .

Deyfullah ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Taageerada ay muujiyeen madaxdii maanta ka so qeyb gashay soo dhaweynta .

Madaxda Xisbiyada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si farxadi ka muuqato Ugu Hadlay Goobta Ay Ka Dhaceysay Xaflada Lagu So dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiyada Midnimo Qaran.

Cali Timo jilic Oo dhankiisa Munaasabada Ka Hadlay ayaa waxa uu ballan qaadday in taageero mug iyo miisaan leh ay la garab istaagi doonaan Xisbiga Midnimo Qaran Si Dhowna Ay Kala Tashandoonaan Marxaladaha uu marayo dalka .

C/rasaaq C/llaahi Waaberi Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran oo gabogabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isagoo ugu horeen halkaasi ka ugu mahad celiyay madaxdii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradahs .

Gudoomiyaha ayaa soo Dhaweeyay Heshiiskii Ahlu suna iyo dowlada Waxa uuna sheegay in heshiiskaasi noqon doono mid taariikhda gala.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday Hagardaamooyinka ay Baarlamaanka Somalia u maleegayso xisbiyada waxaanu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto Cid kasta oo cadaw ku ah hanaanka xisbiyada badan .

Ugu danbeentii Waxa uu Bulshada Reer muqdisho u sheegay in Doorkani yahay Doorkii Xisbiyada ay Dalka kaga hergeli lahaayeen .

Waxaanay Xafladdaasi ay ku soo Dhamaatay Jawwi Deggen Oo Farxadi ku dheehantahay .