Wiil Mooto Bajaajle Ah Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
139

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa caweysnimadii xalay wadahaasi ku dilay agagaarka Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxaana darawalka lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Siciid.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu murun soo kala dhexgalay askariga iyo darawalkii mooto bajaajlaha, taasoo dhabaha u xaartay tallaabada lagu dilay mooto bajaajlaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in askarigaasi uu goobtaasi ka baxsaday, ka dib markii uu arkay in mooto bajaajlaha uu u geeriyooday rasaastii uu la dhacay.

Ciidan kale oo boolis ahaa oo goobtaasi gaaray ayaana ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan askarigii dilka gaystay.

Ciidamada Booliska ayaa meydka darawalka mooto bajaajlaha u qaaday Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan dilalka ay Ciidamada Booliska u gaystaan wada-yaasha mooto bajaajta, waxaana Caasimadda caado ka noqotay baxsadka askarta, marka ay dilalka gaystaan.

Inta badan dilalka darawalada mooto bajaajta ayaa waxaa la tilmaamaa in ay timaado, iyadoo wada-yaasha lagu eedeeyo in qaarkood ay si khaldan u adeegsadaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.