Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta Gaaray Degmada Bardaale (Dawo Sawiro)

0
418

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa Degmada Bardaale waxaa uga sii horeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

Ujeedka tagitaanka Magaalada Bardaale ee Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la xiriirta qiimeynta xaaladaha nolosha Degmadaasi oo daadad kala duwan ay ku soo fataheen.

Ammaanka Magaalada Bardaale ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaayay Ciidamada Koofi gaduuda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Muddooyinkii dambe shacabka Degmada Bardaale ayaa waxa ay ka cabanayeen xaalado kala duwan oo ka dhalatay daadadka ku soo rogmaday Degmada Bardaale.