Qarax Qasaaro Nafeed Geestay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
215
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qarax galabta ka dhacay Galbeedka Magaalada Muqdisho, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Gaariga oo yaalay garaash ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir ayaa waxaa la arkay in qarax nooca dhajiska loo yaqaano uu ku xiran yahay, waxaana lagu wargeliyay Ciidamada Dowladda.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku hawlanaa furista miinadaasi ayaa waxaa la soo sheegaya in ay la qaraxday, waxaana ku dhintay laba qof oo askarigaasi uu ku jiro. Qofka kale ayaa la sheegay inuu ahaa nin maraayay afaafka hore ee garaashkaasi.

Sidoo kale waxaa jira dad rayid ah oo dhaawacyo kala duwan uu qaraxaasi ka soo gaaray. Dadkan ayaa deganaa guri ku dhegan garaashka oo qaraxu ka dhacay.

Jugta qaraxa oo laga maqlay xaafado ka mid ah Degmada Wadajir ayaa keentay inay dad badani isugu soo xoomaan goobtaasi.

Laamaha amniga ayaa wada baaritaan ku aadan halka qaraxa looga soo xiray gaarigaasi, oo uu leeyahay qof shacab ah.

Qaraxan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Arbacadii Degmada Wadajir lagu qabtay laba nin oo ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay Suuqa Weyn ee degmaaasi ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.