Dhalinyaro Shabaabka U Qaabilsanaa Dilalka Qorshaysan Oo Maxkamad La Horkeenay.

0
445

Maxkamada Ciidamada federaalka ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto dhalinyaro ku eedaysanan inay ka tirsan yihiin Shabakad uruka Alshabaab u qaabilsan fulinta dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Magaaladda Muqdisho

Eedaysanayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,  Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max’ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay  (Yaxye)

Eedaysanayaasha ayaa laga soo kala qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir iyo degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .

“Eedaysane Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017, Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018, 27/11/2018 Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka   dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali, waxa uu sidoo kale kala  simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka” Sidaas waxaa lagu yiri Eedaynta xeeer ilaalinta oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ee Sonna

Sidoo kale, Xeer ilaalintu waxay Max’ed Cismaan Axmed Cumar (C/weli, Atam, Bakistaan),  ku eedaysay inuu shabakada u qaabilsanaa adeega  keenista iyo ka qaadista  Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay  in 28/02/2019 uu qeyb  ka ahaa dil fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Sidoo kale, Ismaaciil Max’ed Aweys (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay lkamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

“Saadaq C/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab  gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka  Marxuum Ex D/le X. Max’ud Xasan Ibraahim 31/03/2019”

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalad

Xafiiska Xeer Ilaalinta maxkamada Ciidamada waxaa maxkamada horkeentay Lix Markhaati oo uu ku giro dhibane, kuwaasi oo maxkamadi ay dhagaysay. Gabagabadii xeer ilaalintu waxay codsaday in fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS  ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.