War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo Taariikhdu ku beegneyd 12/11/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen horjooge ka tirsanaa Al Shabaab, isla markaana weerarkaas aysan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi Ay Sheegaan In Ku Bartilmaameedsadaan Horjoogayaasha Shabaab.
Weli Wax war ah kama soo bixin dhinaca kooxda al shabaab kaasoo ay ku beeninayaan ama ku xaqiijinayaa sheegashada dowlada mareykanka.











