Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay isaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere.
Dagaal yahanada shabaab ayaa iskaga baxday deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Ciidanka Xoogga dalka oo wado howlgallo lagu baacsanayo dagaalamayaasha ku dhuumaaleysanayo deegaannada qaar.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay ciidanka xoogga iyo saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen Todobaadki lasoo dhaafay, iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo Shabaab looga saarayo tuulooyinka ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaanada Galmudug.
Al-shabaab oo dhibaato ku heyso dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku suganyihiin ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan kadib howlgallo ka bilaawday Gobolada dalka.









